Jubaland iyo Villa Soomaaliya oo Ku Loollamaya Xoreynta Jubada Dhexe

MUQDISHO – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku-dabarideysa in ka badan 7,000 ciidamo ah kuwaas oo qorshahooda oo dad aad u kooban lala wadaagay lagu sheegay in maleyshiyaadka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolada Jubooyinka ee Jubaland, balse hadafka waxaa ku wareegsan qorsheyaal kale, sidda ay ogaatay Baaritaan.

Ciidankan ayaa, sidda ay illo wareedyo kashifeen, waxaa qeybtooda ugu badan laga soo qoray dowlad degaanka Soomaalida ee hoostaga Itoobiya. “Waxaa tababarka loogu soo gabagabeeyay gobolada dhexe gaar ahaan Guriceel iyo Dhuusomareeb,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Taliyaha Ciidanka Lugta ama Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa gacanta ku haya malafkan. Hase ahaatee, waxaa dusha ka maamulaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo kasoo jeeda Jubaland.

“Aragtida iyo miisaaniyadda lagu qoray, lagu tababaray laguna qalabeynayo ciidankan waxaa iska leh mid kamid ah dalalka Carabta,” ayuu yiri sarkaal si dhow ula socda xogta ciidankan. “Fariinta banaanka taala ee ah ciidankan lagu xoreynayo Jilib iyo Bu’aalle, waxaa hadafka kamid ah in madaxwayne Axmed Madoobe looga gacan-maroojiyo Jubaland”.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa si weyn uga soo horjeeda maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 15 May 2026. Isku-day hore oo ay Xasan iyo Xamse ku doonayeen in ay Jubaland kula wareegaan markii ay ciidamo ka dejiyeen Raaskambooni Novermber 2024 taasoo sababtay dagaal dhiig ku daatay.

Qorshaha Howlgelinta Ciidanka Cusub

Sidda ay illo wareedyo, isugu jira saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ay u sheegeen Baaritaan, hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dejiyay qorshe ay ciidamadan, oo haatan lagu hayo degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, ku geynayaan degaanada Jubooyinka, waxaana meelaha ay calaamadeysteen kamid ah goboladda Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

Shabeellaha Hoose waxay xad la leedahay gobolka Jubbada Dhexe oo ka tirsan Jubaland. Degmada xadka ugu dhow ku leh dhinaca koonfureed waa Sablaale. Gobolka Gedo oo hoostagta Jubbaland ayaa dhinaca bari iyo koonfur-bari wuxuu xuduud kala wadaagaa Jubbada Dhexe waxaana sohdinta ka saaran degmada Baardheere iyada oo uu dhex maro Webiga Jubba.

“Haddii hadafka ugu dambeeya ee madaxda dowladda federaalka uu ahaan lahaa in Al-Shabaab ka xoreeyaan Jubada Dhexe waxay noqon lahayd wax wanaagsan. Balse, waxay kaliya doonayaan in halkaas uga sii duulaan Jubaland iyo in xukunka dhaafiyaan madaxwayne Axmed Madoobe,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda.

Baaritaan ayaa fahansan in madaxwayne Axmed Madoobe uu ka war hayo qorshaha xukuumadda isla markaana todobaadyadda soo aadan uu bilaabi doono howlgal ku wajahan Jubada Dhexe kaasoo loogu magacdaray “Jubba Corridor”. Dowladda Mareykanka ayaa Jubaland ku taageereysa gulufkan waxaana ay Washingtin bixin doontaa saadka iyo duqeymo dhanka cirka ah.

Isku-dayga Carqaladeynta Villa Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ay ogaatay Baaritaan, waxa uu sameeyay isku-dayo dhowr ah oo uu ku doonayay inuu carqaladeeyo gulufka Jubaland, waxaana uu Mareykanka waydiistay in ciidamadda federaalka qeyb ka noqdaan howlgalkaas hase ahaatee waxa uu la kulmay diidmo qayaxan taasoo ku noqotay waji gabax xoogan.

“Saraakiisha Mareykanka waxay hoosta ka xariiqeen in aysan dooneyn in la siyaasadeedyo xoreynta Jubadda Dhexe,” ayuu yiri sarkaal ka qeybgalay wadahadalada dhacay. “Fariintaas waxay ka dhigan in khilaafka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Jubaland aawadeed in Mareykanka uu howlgalkaas kala macaamili doono Axmed Madoobe maadaama uu isaga xukumo”.

Wafdi saraakiil iyo diblumaasiyiin Ameerikaan ah ayaa dabayaaqada bishii July tagay Kismaayo halkaas oo ay kula kulmeen Madaxwayne Axmed Madoobe. Sidoo kale, saraakiisha ugu sareysa howlgalka Mareykanka ee Afrika loona yaqaano AFRICOM qeybtiisa howlgalada gaarka ah ayaa mar kale Axmed Madoobe ay isku arkeen caasimada Kenya ee Nairobi bilowga bishan August iyada oo laga shiray qaadista gulufkan.

Falanqeeyeyaasha arrimaha ammaanka iyo siyaasadda Geeska Afrika ayaa dhacdooyinkan ku sifeeyay in kulamadan is-daba-joog ah ay ka dhigan in Washington ay dhabarka u jeedisay dalabkii Villa Soomaaliya ayna toos ula macaamileyso Jubaland marka ay timaado xoreynta Jubada Dhexe iyadda oo meesha laga saareyn in Mareykanka uu aqoonsan yahay madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Ahmiyadda Xoreynta Gobolka Jubada Dhexe

Gulufka gobolka Jubada Dhexe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Geeska Afrika uu ka socdo isbedel ballaaran oo ka dhalatay loollanka caalamka gaar ahaan marinimada badaha ee caalamiga ah. Si guud, Jubaland ayaa Soomaaliya waxay kaga taallaa aag muhiim ah oo ku xirta Badweynta Hindiya gaar ahaan dekedda magaaladda Kismaayo. Jubada Dhexe waa dhul hodan ku ah kheyraad iyo dhul beereed.

Magaalo madaxda gobolka waa Jilib oo sidoo kale ah fariisinka ugu weyn ee maleyshiyaadka Al-Shabaab. La wareegida xaruntan waxay dhabar-jab weyn ku noqon kartaa mustaqbalka jiritaanka xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh Al-Qaacida. Wallow aan la hubin in haddii la xoreeyo magaalada ay noqoneyso dhamaadka kooxda, haddana waxay soo afjaraysaa dood iyo cadaadis muddo saarnaa Axmed Madoobe.

Sababta loogu loolamayo cidda ku horumareysa ama wadajir lagu noqdo howlgalka xoreynta gobolka Jubada Dhexe waa magaaladda Bu’aalle oo ku suntan in ay tahay xarunta rasmiga ah ee Jubaland. Haddii dowladda federaalka ku horumarto waxay soo afjareysaa sharciyadda Axmed Madoobe, haddii isaga uu ku horumarana waxay wiiqi doontaa cadaadiska Villa Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, in Axmed Madoobe uu garab ka haysto dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa uga dhigan in uu xoreynta gobolka Jubada Dhexe ku dhaqaaqi karo todobaadyada soo aadan. Balse su’aasha aan jawaabta loo hayn waa dowladda federaalka maka bari-taari doontaa mise ciidamadda ay diyaarsatay ayay ku dhaqaaqi doontaa in ay ku carqaladeyso?

Trending in Somalia

Meet Liiban Shuluq, Somalia’s New Galmudug President With a Complex Past

DHUSAMAREB, Somalia — Liiban Ahmed Hassan, widely known as...

The Double Game in Mogadishu: Al-Shabaab Contacts and the Fight for Power

MOGADISHU — Somalia’s fight against Al-Shabaab is entering a...

Somalia’s Dangerous Minefield: How the Terrorism Label Became Political Ammunition

BAIDOA, Somalia — The political and security crisis unfolding...

The TikTok Diplomacy: How Beijing Is Recruiting Somali Voices

MOGADISHU — China is expanding its campaign to shape...

Somalia’s Federal Crisis Moves From Political Dispute to Street Fighting

MOGADISHU, Somalia — Heavy fighting in Baidoa on Monday has...

Exclusive: U.N. Report Traces an Al-Shabaab Trail From Somalia to Afghanistan

MOGADISHU, Somalia - A small number of Al-Shabaab fighters...

Somalia’s Thief-or-Liar Presidency: A Fight Over Land, Money and Power

MOGADISHU, Somalia — Which is worse for a country:...

Inside the 7,000-Strong Force Behind Somalia’s New Southern Campaign

MOGADISHU — Somalia’s federal government is assembling more than...

“The End of the Unwritten Rule”: Somalia’s Hidden Battle Before the 2026 Elections

GAROWE — For years, Somalia's federal crisis has resembled...

“The Shoreline Strategy”: Understanding America’s Quiet Shift in Somalia

MOGADISHU - For more than three decades, the United...

“Editing Somalia”: Inside the Diplomatic Battle Over One Paragraph

KAMPALA - Wars are not always fought with bullets....
spot_img
spot_imgspot_img