Xaraashka Dhulka Danta Guud ee Soomaaliya iyo Macaashka Hal Bilyan oo Doollar

MUQDISHO – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in ka badan hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah ($1 billion USD) waxa uu ka macaashay xaraash sharci darro ah oo uu ku beeciyay in ka badan 180 goobood oo ahaa dhul dan guud oo qeybtood ay daganaayeen wasaarado, sidda ay shabakadda Baaritaan u xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Illo wareedyo ay la hadashay shabakadda Baaritaan oo wadartoodu gaareyso toban ayaa isugu jira mas’uuliyiin xilal haya oo codsadey in magacyadooda aan la shaacin, xubno kamid ah mucaaradka Soomaaliya, cilmi-baareyaal madax-banaan, diblumaasiyiin fadhigoodu yahay Muqdisho iyo dad rayid ah oo daganaa goobaha la xaraashay.

Isku-dayo ay shabakadda Baaritaan ku dooneysay in ay kula xiriirto xafiiska warfaafinta madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud si ay uga jawaabahan warbixintan kahor inta aan la faafin ayaa guuldareystay sababo ku aadan in ay diideen in ay jawaab rasmi ah ka bixiyaan eedaha loo jeediyay.

Sharciyadda beecinta dhulka danta guud

Marka la beeciyo dhul dan guud ah, sharciga iibka qaranka ayaa waxa uu farayaa in la maro habraac ka kooban qodobo dhowr ah kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin in hay’adaha dowliga ah ee dagan ay ka maarantay, in aysan jirin hay’ad kale oo u baahan, in wasaaradda maaliyadda ay go’aamiso qiimaha lagu beecinayo, in tartan turo lagu iibiyo in lacagta kasoo xaroota lagu shubo khasnadda dowladda.

Mid kamid ah naqshadaha loo qorsheeyay goob dhul dan guud ahayd oo ganacsato la siiyay.

Sidda ay aaminsan yihiin illo wareedyadda, habraacan looma marin dhamaan dhulalka danta guud ee maamulka madaxwayne Xasan Sheekh uu xaraashay mudada uu xafiiska joogay. Talaabadan ayay ku tilmaameen ku takrifal awoodeed iyo sharci darro aan geed loogu soo gaban.

Ganacsato ayaa, sidda ay qeexayaan illo wareedyadda, waxay yihiin cidda ugu badan eel aga beeciyay dhulkan. “Madaxweynaha waxa uu dhulka siinayay ganacsadihii u keena lacagta ugu badan,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta ay wareysatay Baaritaan kaasoo diidey in magaciisa la adeegsado sababo ku aadan xasaasiyada ku hareereysan kiiskan.

Barakicinta qasabka iyo doorka booliska 

Soomaaliya ayaa ah dal kasoo kabanaysa colaado sokeeye oo sababay in muwaadiniin ay ku barakacaan gudaha dalkooda. Inta badan dadkan ayaa maciin-bidey in ay dagaan dhulalka danta guud ah. Kaliya dadka halkaas dagay ma ahan shacab waxaase wehliya askar ka tirsan xoogga dalka kuwaas oo inta difaaca dalka duurka ugu jiraan qoyskooda halkaas u jooga.

“Hase ahaatee, maamulka madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu si arxan la’aan ah uga saarey qoysaskaas dhulalka danta guud iyadda oo loo adeegsadey booliska waxaana howlgalkaas barakicinta qasabka ah hogaaminayay Macalin Mahdi, oo ah Taliyaha Booliska gobolka Banaadir,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanadda mucaaradka ah.

Macalin Mahdi ayaa la rumeysan yahay in qoondo lacageed uu ku qaadanayay howlgal kasta oo barakicinta qasabka ah. Lacagtaas ayaa, sidda ay ogaatay Baaritaan, waxa ay ka imaaneysay ganacsadata ama xubinta laga iibiyay dhulkaas danta guud ah. Tani ayaa muujineysa in ay jirtay shabakad ballaaran oo miyir la’aan ugu midowday howlgalkan.

Goobaha caanka ah ee dadka laga saarey

Marka laga soo tago dhulalka hay’adaha dowliga ah ee la xaraashay, waxaa jira dhul kale oo dowladeed kuwaas oo shacab daganaayeen oo la xaraashay. Goobahaas waxaa kamid ah xarunta ciidanka dab-damiska ee booliska Soomaaliyeed, Suuqa Siinaay iyo Tarabuunka. Dhamaan goobahaas waxaa laga iibiyay ganacsato hadda ka dhisaysa goobo ay kireynayaan.

Naqshad kale oo loo qorsheeyay goob dhul dan guud ahayd oo ganacsato la siiyay.

Hay’adaha dowliga ah ee dhulalkooda la iibiyay waxaa kamid ah; Wasaaradda Batroolka, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warshadaha, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Dalxiiska, Wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Howlaha Guud, Wakaaladda Qaxootiga, Wakaaladda Biyaha, Wakaaladda Korontadda iyo dhulalka degmooyinka ee wasaaradda Maaliyadda.

“Marka madaxda dowladda aad su’aal ka waydiiso sababta dhulalkan loo xaraashay waxay kuu sheegayaan in laga maarmay ama in dib-u-casriyeyn lagu sameynayo,” ayuu yiri mid kamid ah cilmi-baareyaasha madaxa-banaan. “Waa xaqiiq in hay’adaha dowliga ah qaarkood xarumo loo dhisay ama loo dhisi doono. Balse waxaa magac-u-yeel lagu xalaaleysanayo lacagaha laga faa’iidey ama si kale haddii aan u dhaho waa lacag dhaqid”.

Xasan Sheekh: Siyaasiga Bilyineerka Noqdey

Sidda ay ogaatay shabakadda Baaritaan, dhamaan in ka badan 180-ka goobood ee la xaraashay ayaa ugu yaraan halkii goob waxay ka goobneyd in ka badan 50 boos waxaana booskii ugu yaraa lagu kala iibsadey konton kun oo doolarka Mareykanka ($50,000) halka booskii ugu badnaa lagu kala gatay aduun lacageed kor u dhaafaya sagaal milyan oo doolarka Mareykanka ah ($9 million USD).

Sidda ay isku raaceen todobo kamid ah illo wareedyadda ay la hadashay shabakadda Baaritaan, lacagahan oo si gaar ah loogu shubo akoono ay maamulaan shaqsiyaad uu u xilsaartey madaxwayne Xasan Sheekh ayaa wadartooda waxay kor u dhaaftay hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah ($1 billion USD).

Sikastaba ha ahaatee, su’aallaha laga yaabo in dad badan is-waydiinayaan waxaa kamid ah muxuu madaxwayne Xasan Sheekh dalka iyo dadka ugu qabtay ama ugu qaban doonaa lacagta? Iyo haddii dowlad cusub ay dhalato masoo celin doontaa dhamaan dhulalkii danta guud ahaan ee hanaanka sharci daradda ah lagu beeciyay sanadihii ugu dambeeyay?

Trending in Somalia

“Editing Somalia”: Inside the Diplomatic Battle Over One Paragraph

KAMPALA - Wars are not always fought with bullets....

Exclusive: Somalia Detains Three Women In Rare Same-Sex Relationship Case

MOGADISHU, Somalia — Somali federal security forces detained three...

Somalia’s Opposition Opens a Continental Front Against President Hassan Sheikh

MOGADISHU — Somalia's political crisis has entered a new...

Exclusive: Inside Turkey’s plan for a new military air hub in Somalia’s Baidoa

MOGADISHU, Somalia — Turkey has begun developing a military...

Exclusive: How Villa Somalia quietly redrew the military chain of command

MOGADISHU — President Hassan Sheikh Mohamud has ordered several...

Report: Somalia’s Future Hinges on Managing a “New Political Order”

MOGADISHU — Somalia's protracted electoral dispute is often framed...

Inside Somalia’s Emerging Battle for Control of the Security State

BOSASO — When Puntland authorities rolled out a convoy...

Defense Priorities’ Claims Tested: The Debate Over the US Footprint in Somalia

MOGADISHU - A report by the Washington-based think tank...

Exclusive: A Month of Tension, One Risky Appointment, and a Crisis Averted

GAROWE — Somalia has stepped back from the brink of...

Inside President Hassan Sheikh’s Strategy to Outlast Somalia’s Political Crisis

MOGADISHU — Somalia's political crisis is no longer merely...

Sheekh Hamad: Ninkii Qatar Galiyay Khariidadda Siyaasadda Soomaaliya

MUQDISHO - Markii Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani...
spot_img
spot_imgspot_img