MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo booqasho rasmi ah ugu timid, iyadoo ay ku beegantahay dhammaadka muddadii ay xilka diblomaasiyadeed ka haysey dalka.
Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyay shaqada iyo doorka ay Safiirku ka soo qabatay Soomaaliya muddadii ay xilka haysay, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS).
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah iyo iskaashiga dhow ee uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, iyagoo sidoo kale rajeeyay in Safiirku uu guulo iyo horumar ka gaari doono xilka cusub ee loo magacaabay.




