DHUUSOMAREEB, Soomaaliya – Baarlamaanka Galmudug ayaa Khamiista maanta ah 22 October 2026 waxa ay Dhuusomareeb ugu doorteen Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) inuu noqdo madaxweynaha afarta sano soo aadan ee maamul goboleedkaas.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ku dhawaaqay natiijada doorashadda ayaa sheegay in Liibaan uu ku soo baxay 72-cod, halka musharaxii la tartamay Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye uu helay 14-cod, iyadda oo 3-cod kalana ay xumaadeen.
Liibaan oo markii guushiisa la shaaciyay la hadlay goobjoogeyaasha ayaa doorashadiisa ku tilmaamay “guul usoo hooyatay dadka Galmudug” iyo “talaabo horey loogu qaadey dimuqraadiyadda Soomaaliya”.
Kadib guusha doorashada, bisha October ayaa noqon doonto mid uu si weyn u xusi doono Liibaan maadaama ay kulmineyso labo dhacdo oo noloshiisa saameyn weyn ku leh; mid waa xarigii loogu geystay magaalada Cadaado sagaal sano kahor iyo tan maanta loogu doortay hogaaminta Galmudug.
Hase ahaatee, doorashadda uu kusoo baxay Liibaan ayaa natiijadeedu waxay ahayd mid horey loosii ogaa maadaama madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud uu tartanka ka reebay murashaxiin saameyn leh.
Waa kuma Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq)?
Liibaan oo kasoo jeeda koonfurta magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ah dhowr qof oo isku dhex jira marka dib loo eego sooyaalkiisa oo isku maray abaanduule maleyshiyo beeleed, ka ganacsiga jaadka iyo siyaasadda.
Wallow aysan jirin xog sugan oo laga hayo taariikhda iyo goobta dhalashadiisa, macluumaadka la heli karo ayaa muujiyay inuu ku dhashay meel kamid ah degaanka Soomaalida ee hoostaga dowladda federaalka Itoobiya.
Maleyshiyaadka hubeysan: Inkasta oo ay tahay taariikh madow, inuu mar gacansaar la lahaa kooxaha burcad-badeedka Soomaalid ayaa la wariyay si gaar ah inuu u iibin jiray doonyaha ay ku beegsadaan maraakiibta. Sidoo kale, waxaa qoran inuu ku lug lahaa dagaal beeleedyadii soo maray Gaalkacyo.
Doorkiisa ganacsiga: Tan maahan wax daahsoon, waxaana safarkiisa uu ka bilowday iibinta xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso qaar kamid ah dalalka Carabta. Sidda xogta tilmaameyso, ganacsigan oo wali uu ku lug-leeyahay waxaa u maamula mid kamid ah walaalaha la dhashay kaasoo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ah.
Liibaan ayaa sidoo kale ganacsigiisa u badan yahay ka shaqeynta arrimaha saadka si gaar ah mashaariic uu ka qaato hay’adaha dolly ah iyo kawa aan dowli ahayn. Warar ayaa sheegaya inuu shirkad uu leeyahay ay ku lug-leedahay bixinta arrimaha saadka ciidanka Soomaaliya.
Gurmadka bini’aadantinimadda: Mid kamid ah arrimaha lagu ammaano Liibaan waxaa kamid ah inuu kaalin muuqdo ka qaato u gurmadashada dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaana arrinkaas uu sii labo-jibaaray markii uu xoogeystay ololihiisa u uu ku raadinayay jagada uu haatan ku guuleystay ee madaxtinimada Galmudug.
Kaalintiisa siyaasadda: Ma jirto xil siyaasadeed oo muuqda uu horey usoo qabtay Liibaan marka laga reebo in uu kamid ahaa xubnaha guddiga doorashadda heer dowlad goboleed Galmudug doorashooyinkii 2021, isaga oo saameyn weyn ku lahaa xubnihii lagu dooortey koonfurta magaaladda Gaalkacyo.
Xarigii Cadaado ee October 2017: Laamaha ammaanka Galmudug ayaa Liibaan oo ganacsade ah ku xiray magaalada Cadaado October 09 2017 sababo aan la fahfaahin balse uu isaga ku sheegay arrimo siyaasadeed oo kala dhaxeeyay madaxwaynihii xilligaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.





