GAROWE – Taliyaha ciidamadda Danab ee fadhigoodu yahay xerada Ligle ee duleedka magaaladda Garoowe, Jimcaale Jaamac Takar, ayaa habeenkii 16-kii July 2026 si nabad ah waxa uu dib ugu laabtay caasimadda maamul goboleedka Puntland. Talaabadaas ayaa soo afjartey walbahaar weyn oo ahaa in isku-dhac hubeysan ay dhalin karto dib u noqoshadiisa. Walaacaas ayaa yimid kadib bil u uku sugnaa Muqdisho iyo Laascaanood.
Walwalkaas ayaa sii labo-jibaarmay ka gadaal markii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale oo u badan mucaaradka madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu June 15, 2026 Jimcaale ku qaabilay Villa Soomaaliya ku qaabilay kadibna u magacaabay Taliyaha 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay Garowe.
Magacaabidan ayaa ahayd talaabadaas ugu horeysay oo hogaanka dowladda federaalka ay ugu bareereen la dagaalanka Deni kadib bilooyin ay daaha gadaashiisa ka maamulayeen qorista, hubeynta iyo isku-dabaridka ciidamo qarsoodi ah oo ku kala sugan magaalooyin hoostaga Puntland. Sidda ay sheegeen dad xog ogaal ah, Jimcaale ayaa loo diyaariyey howlgelinta iyo hogaaminta ciidamadaas oo bartilmaameedkoodu ahaa Garowe.
Weerar dhanka warbaahinta ah
Wax u muuqdey in ay soo dhamaatay maalmihii huursanaanta, madaxda dowladda federaalka ayaa si rasmi ah warbaahinta uga qirtey in ciidamo ka qorteen gudaha Puntland. Khudbadihii todobaadka xorriyadda, habeen 3 July 2026, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa si furan ugu hanjabay madaxwayne Deni, isaga isaga oo ku goodiyey in wax kasta oo uu sameeyo uusan is-hortaagi karin qorshahooda.
“10,000 oo ciidan ah ayaan ka qoraynaa halkaas [Puntland] oo mushahar siineynaa, haddaa doonto dillaac, wiilka Boosaaso jooga anaa metela xuquuqdiisana waan siinayaa. Ninka nuuqnuuq leh waxaan leeyanay la dhimo cadha,” ayuu Xamse ka sheegay munaasabadaas oo uu khudbadda kaga dambeeyay madaxwayne Xasan Sheekh oo dhankiisa ka difaacay ololahooda hubeysan ee ka dhanka ah Puntland.
Sidda ay muujiyaan dukumiintiyo ay si horudhac ah u falanqeysay shabakadda Baaritaan, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa tababarida, hubeynta iyo howlgelinta ciidamadda ay gudaha Puntland ka qoratay waxaa si horudhac ah uga baxdey in ka badan hal milyan oo doolarka Mareykanka ($1 million USD). Sidda ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Deni, guud ahaan qorshaha iyo kharashaadkan ayaa qeyb ahaan waxaa ku lug leh dowlado ajnabi ah oo taabacsan Villa Soomaaliya.
Falcelinta Puntland iyo waan-waanta
Jimcaale oo kasoo dhaqaaqay magaaladda Muqdisho ayaa gaarey Laascaanood, caasimadda maamulka Waqooyi-Bari oo ah dowlad goboleed ay dhistay Villa Soomaaliya balse ay wali diidan yihiin Puntland iyo Somaliland. Falcelintii ugu horeysay oo dadweynaha lala wadaagay oo ka timid Puntland ayaa noqotay in xukuumadda Deni ay mamnuucdey in degaanadeeda aysan ka howlgelin ciidamo aan maamulka ka amar-qaadan iyo in aan dhulka ay ka taliso lagu wadan karin hub aan u si rasmi ah ugu diiwaan-gashaneyn maamulka.
Talaabadaas ayaa cirka kusii toshay xiisadda. Dhaqdhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ayaa ka bilowday gudaha iyo banaanka magaaladda. Hase ahaatee, waxaa odayaal dhaqan, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin xilal ka haya xukuumadda Deni oo kasoo jeeda gobolka Nugaal ayaa wadahadal la furay Jimcaale isaga oo aan kasoo bixin Laascaanood. Wadaxaajoodkaas ayaa hoos u dhigay cabsida dagaalka waxaana ay dhabaha u xaareen is-afgarad ugu dambeyn sababay in taliyaha uu si nabad ah ku gaarey Garowe.
Sidda ay xaqiijisay shabakadda Baaritaan oo labada daraf la hadashay, qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in Jimcaale iyo ciidankiisa ay xukuumadda Deni ka helaan xuquuq mushahar oo hal sano, in Jimcaale uu munaasabad ka shaaciyo inuu ka laabtay ku shaqeyntii xilka ay u magacowdey dowladda federaalka, iyo in laga fogaado wax walba oo khatar amni ku ah jiritaanka, nabadda iyo wadanoolaanshiyaha Puntland.
Kaalinta dhexdhexaadinta ee Mareykanka
Sidda ay illo wareedyo diblumaasiyadeed u sheegeen shabakadda Baaritaan, dowladda Mareykanka ayaa door daaha gadaashiisa ah ku lahayd waan-waanta ay isugu soo dhowaadeen xukuumadda Deni iyo Taliye Jimcaale oo ciidankiisa Danab ay yihiin kuwa ay tababartey Washington. “Waxaan dhihi karaa kaalinta Ameerikaanka muhiim bay u ahayd in labada dhinac ay miiska wadaxaajoodka isku-fahmaan sababta oo ah waxay dhabar-jebisay qorshe kasta oo jiray,” ayuu yiri hal illo wareed.
Dagaal kasta oo ka qarxa gudaha Puntland ayaa, sidda ay illo wareedyadda caddeeyeen, waxa uu caqabad ku noqon karay dagaalka Mareykanka kula jiro kooxda Daacish ee ku dhuumaaleyneysa buuralaha Cal-miskaad. “Sidaas awgeed, Mareykanka ma dooneyn in laga mashquulo gulufkaas, waxaana uu labada dhinac ku goobaabiyey in qoriga ay hal cadow ku wadajeediyaan,” ayuu raaciyay illo wareedka. “Cadowgaas, dabcan, waa kooxda la magacdey ISIS-Somalia”.
Sikastaba, marka loo eego qaabka loo maareeyay xiisadan waxaa Soomaaliya ay ka baran kartaa; wadahadal ayaa ka horeeya isku-dhaca hubeysan. La dagaalanka argagixisada waa in aysan u baaqan is-qabqabsiga siyaasadeed. Tan ugu dambeysa uguna muhiimsan, doorka saaxiibada caalamiga hadduu uu noqdo mid wax dhisaya, hogaamiyeyaasha Soomaalida waa ay u dhaga-nuglaadan balse haddii caksigeedu noqdo waa halis.





