MUQDISHO – Laamaha ammaanka dowladda federaala ah ee Soomaaliya ayaa bishii June 2026 waxay degmada Xamarwayne ee magaaladda Muqdisho kasoo xireen saddex haween ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen “faafinta dhaqanka haweenka isku-jinsiga ah ee wax iska daya,” sidda illo wareedyo ay ku jiraan saraakiil amni usoo dusiyeen shabakadda Baaritaan.
Sidda uu xaqiijiyay mid kamid ah saraakiisha kana tirsan booliska balse codsadey in aan la adeegsan magaciisa sababo ku aadan in uusan fasax u haysan inuu warbaahinta kala hadlo kiisaska noocan ee xasaasiga ah, haweenka oo haysta dhalashada qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa lagu xiray xabsiga weyn ee caasimadda.
“Saddexdooda (haweenka) waxay tan ugu badan ay dalka soo gashay ugu yaraan saddex ama afar bilood kahor marka loo eego taariikhda la qabtay,” ayuu raaciyay. “Mid kamid ah ayaa Paris (caasimada Faransiiska) waxay kusoo gashay qaliin ay isaga soo baabi’’isay dhamaan wax kasta oo muujinayay dumarnimo iyadoo isku soo ekeysiisey nin rag ah”.
Eedeysaneyaasha oo illaa haatan aan lasoo saarin maxkamad dadweynaha lala wadaagay ayaa kuwada noolaa dhismo ka kooban saddex qol. Howlgalka lagu soo qabtey ayaa, sidda illo wareedyada caddeeyeen, waxa uu ka dhashay macluumaad ay qeyb kamid ah bulshadda la wadaageen laamaha ammaanka. Balse, lama ogga qaabka ay hadda xabsiga ugu jiraan.
“Eedeysanaha ragga iska dhigay waxay iska baabi’isay horaadka dumarka lagu yaqaano iyadda oo xabadka kusoo beeratay timo,” ayuu yiri sarkaal kale oo ka tirsan waaxda dambi baarista oo la hadashay Baaritaan. “Tani waxay ka dhigan tahay in eedeysanahan ay ku jirta jiliin ay ku muujineyso ragganimo iyo in labada hablo kale ay ahaayeen xaasaskeeda, taas oo ka turjumeysa faafinta dhaqanka foosha xun”.
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee sida ba’an uga soo horjeeda faafinta dhaqamada ragga iyo dumarka isku jinsiga ah ee wax iska daya. Kaliya ma ahan go’aan dowladeed balse waxaa faraysa diinta Islaamka. Dowladaha qaar ee qaarada Afrika ayaa meelmariyay sharciyo faraya in dil toogasho lagu fuliyo cid kasta oo lagu arko hab-dhaqankan.
Illaa haatan, ma jiro kiis si furan dadweynaha loola wadaagay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya kaasoo maxkamad lagu soo taagay shaqsiyaad lagu helay faafinta ama muujinta hab-dhaqanka ragga iyo dumarka isku jinsiga ah ee wax iska daya oo luuqadaha qalaad lagu yiraahdo ay kamid yihiin Gay iyo Lesbians ama LGBT+ Community marka lasoo koobo.
Dalalka reer galbeedka ayaa inta badan si ba’an ugu ololeeya hab-dhaqankan. Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qaar kamid ah safaaradaha ajnabiga ee Muqdisho ay lasoo sameeyeen xiriiro ku saabsan kiiska haatan taagan ayna ka diideen codsiyo ahaa in ay la kulmaan ama lasoo daayo eedeysaneyaasha haatan xabsiga ku jira.
“Qaar kamid ah fariimaha caadiga ah ee aan helnay waxay ahaayeen in loo ogolaado la kulanka eedeysaneyaasha,” ayuu yiri hal sarkaal. “Kuwa aan aadka ula yaabay waxay ahaayeen in lasoo daayo, taasoo run ahaantii ku tusineysa in eedeysaneyaasha ay ka shaqeynayeen wax ay qandaraas kusoo qaateen iyo in lagu soo duulay dhaqanka Islaamka ee dalkeena mana ogolaan doono”.
Shabakadda Baaritaan ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin eedeymaha kasoo yeeray Taliska Booliska Soomaaliya ee ka dhanka ah safaaradaha aan magacyadooda la sheegin. Hase ahaatee, isku-dayo aan ku dooneynay in aan kula xiriirno diblumaasiyiinta ayaan guuleysan sababo ku aadan in ay ka gaabiyeen in ay kasoo jawaabaan fariimo aan u dirnay.
Sikastaba ha ahaatee, haddii dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aansato in ay daahfurto maxkamadeynta eedeysanayaashan waxay noqoneysaa dhacdo ugub ah. Hase ahaatee, in daaha gadaashiisa laga maareeyo – maxkamadeyn, musaafurin ama sii deyn – midka ay noqotaba, waxay noqon kartaa seef labo afle ah oo mustaqbalka saameyn togan ama taban yeelan karta.





