MOGADISHU, Soomaaliya — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dekedaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, Ambassador Americo, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Seattle kadib martiqaad uu ka helay Komishaneer Hamdi Mohamed.
Labada masuul ayaa yeeshay wadahadalo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dekedood, waxayna isla qaateen qorshe lagu bilaabayo iskaashi “dekedaha walaalaha ah” (sister ports), oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo xiriirka badeed.
Intii kulanku socday, waxay si gaar ah diiradda u saareen is-weydaarsiga khibradaha, tababarrada shaqaalaha dekedaha, iyo sidii loo horumarin lahaa maamulka iyo adeegyada dekedaha. Waxa kale oo la isla gartay in la sii ambaqaado qorshayaal la xiriira mashruuc deked cusub oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha badda Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la diyaariyo booqasho rasmi ah oo dib loogu celinayo, taas oo lagu sii xoojin doono xiriirka iyo iskaashiga, isla markaana lagu ballaarin doono fursadaha ganacsi iyo isku-xirka labada dhinac.




