Puntland: Dowladda Soomaaliya ruqsad kama bixin karto degaanadeena

GAROWE, Puntland – Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu leeyahay awood dastuuri ah oo uu ku maamulo khayraadka dabiiciga ah iyo kan badda ee ku yaalla deegaannadiisa, isla markaana aysan jirin dowlad ama shirkad shisheeye oo ka shaqayn karta biyaha Puntland iyada oo aan fasax ka haysan maamulka.

War-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Axad ah ayay Puntland ku sheegtay in xeebteeda oo dhererkeedu yahay qiyaastii 1,600 kiiloomitir ay hoos timaaddo maamulkeeda, iyadoo sheegtay in arrintaas ay saldhig u yihiin Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay si gaar ah u xustay shirkadda SOMTURK, iyadoo sheegtay in iyada iyo cid kasta oo kale ay u baahan yihiin oggolaanshaha Puntland ka hor inta aysan ka fulin kalluumaysi, ilaalinta xeebaha ama hawlo kale oo la xiriira badda.

Sidoo kale, maamulka fadhigiisu yahay magaaladda Garowe ayaa sidoo kale ku dooday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan u bixin karin heshiisyo ama rukhsado khuseeya dhulka ama biyaha Puntland iyada oo aan lagala tashan.

Puntland waxay ka digtay in cid kasta oo hawlo ka fulisa dhulkeeda ama biyaha hoos yimaada iyada oo aan fasax haysan ay la kulmi doonto tallaabooyin sharci ah.

Ugu dambeyntii, Puntland ayaa intaas ku dartay inay weli diyaar u tahay wada-shaqayn ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Xasan Sheekh, beesha caalamka iyo maalgashadayaasha, iyadoo shardi uga dhigaysa in la ixtiraamo nidaamka federaalka iyo dastuurka.

Trending in Somalia

HSM’s “Final Anti-Terror War”: Echo of Failure or Political Theatre?

MOGADISHU, Somalia - President Hassan Sheikh Mohamud has once again...
spot_img
spot_imgspot_img