Maxaa Ku Dhex-qarsoon Hadalkii Fiqi ee Al-Shabaab Ku Tilmaamay “Xisbi”?

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka difaaca Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka dhawaajiyay hadal dhaliyey dood ballaaran ka gadaal markii uu xoogaga argagixisada ah ee Al-Shabaab uu ku tilmaamay “xisbi siyaasadeed”.

Fiqi oo Isniintii (6 July 2026) la hadlayay ciidamo ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaca ka dhigay in Soomaaliya ay haatan isku haystaan “labo xisbi” oo ah JSP, oo ah ururka siyaasadeed ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo maleyshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Labada xisbi ee dalkan isku haysata waa JSP iyo Al-Shabaab inta kale rooti waaye; Khawaariijta (Al-Shabaab) iyo JSP kaliy ayaa dalkan isku haysta; iyagana (Al-Shabaab) xalay waan sheegnay in wax un bartood hala siiyo,” ayuu yiri Fiqi.

Dhawaqan oo wasiirka gaashaandhiga uu ka hor-jeediyay ciidamo loo diyaarinayo in ay qaadaan guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ayaa sabab jawaab degdeg ah oo kasoo yeertey qaar kamid ah saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo maamulka Puntland.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Puntland, Najib Barkhadle Warsame, ayaa hoosta ka xariiqay in hadalkan uu ka dhigan yahay “in uu banaanka yimid wadashaqeynta iyo xiriirka tooska ah ee muddo qarsoonaa ee u dhaxeeya maamulka Xasan Sheekh iyo Al-Shabaab”.

“Hadalka fiqi wuxuu caddayn u yahay inuu jiray heshiiskii waddada loogu furay duullaankii qaawanaa ee lagu qaaday konfur galbeed (Ex kontorol Xamar illaa Baydhabo) nuxurkiisuna ahaa wada shaqaynta JSP IYO SHABAAB. Maantana waxy ahayd shaacintii dhanka JSP (wasiirkii hore gaashandhiga fiqi) iyo mahad celintiisi madama EX MADAXWEYNE XASAN Baydhabo Joogo. Turjumaad siyaasadeed uma baahna tani,” ayuu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Marka loo eego mar-xaladda xasaasiga ah ee uu kusoo aaday hadalkan iyo goobta laga jeediyay oo ah furin ciidan, sidda ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha la dagaalanka argagixisada ah, hadalka wasiir Fiqi ayaan ahayn mid ku yimid si aan ku talogal ahayn.

Falanqeeyeyaasha qaar ayaa rumeysan in dhawaaqan uu horudhac u noqon karo shaacinta qorshe daahsoonaa oo dowladda la leedahay Al-Shabaab; ma wadahadal mise soo jiidashada garab kamid ah kooxda hubeysan?

Sikastaba ha ahaatee, tan ay tahay labadaasba waqtiga ayaa sheegi kara. Hase ahaatee, waxay kusoo aadaysaa xilli deeq-bixiyeyaasha caalamka ay ka niyad-jabeen maalgelinta xasiloonida Soomaaliya sababo ku aadan horumar la’aan.

Trending in Somalia

HSM’s “Final Anti-Terror War”: Echo of Failure or Political Theatre?

MOGADISHU, Somalia - President Hassan Sheikh Mohamud has once again...
spot_img
spot_imgspot_img