Muqdisho/Baydhabo – Munaasabad maanta ka dhacdey magaalada Baydhabo oo sugida ammaankeeda ay ka qeyb-qaateen diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 ayaa waxaa lagu caleemo-saarey in Aadan Madoobe uu noqdo madaxweynaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, 26-maalmood kadib markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorasho dhacdey Jun 10, 2026.
Isaga oo ka hadlayay munaasabadda, Madaxwayne Aadan Madoobe ku adkeystay in aan laga laaban doonin erey-bixinta “Hogaamiye” oo inta badan lagu adeegsado war-saxaafadeedyadda uu soo saaro xafiiskiisa taasoo waafaqsan wax ka badalka dastuurka lagu muransan yahay ee uu ansixiyey xilligii uu ahaa gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale, Aadan Madoobe ayaa si aan toos ahayn waxa uu u weeraray mucaaradka dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay in ay faafiyeen wax uu ku tilmaamay “dacaayad” ka dhan ah doorashadda tooska ah ee ay kusoo baxeen Xildhibaanada isaga u doortey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Dhinaciisa, Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa muujiyay in uusan wali ka tanaasulin qorshihiisa hal-heyska u ah “doorasho qof iyo cod ah” wallow uu la kulmay mucaaridad xoogan oo ku wajahan in nooca uu doonayo ay u qabsoonto doorashadda madaxweynaha federaalka ee wali aan laga heshiin habraaceeda.
Maxaa horyaalla Aadan Madoobe?
Marka laga soo tago in ay miiska u saaran tahay dhismaha golaha wasiiradda, Aadan Madoobe ayaa kusoo baxay doorasho lagu ilaalinayo gaadiid ciidan oo gaashaaman taasoo ka dhalatay in howlgalka ciidan ee kasoo bilowday magaaladda BuurHakaba ee xukunka looga tuuray madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayna dowladda federaalka ku qabsatay Baydhabo 30 March 2026.
Ciidamo taabacsan Laftagareen ayaa wali ku sugan duleedka Baydhabo kuwaas oo gudaha magaaladda iyo banaankeeda ka fuliya howlgal ay ku beegsadaan fariisimaha ciidanka, waxayna sheegayaan in ay ka gadoodsan yihiin wax ay ku sheegeen qaab sharci darro ah oo xukunka looga saarey.
Tani ayaa ka dhigan in Aadan Madoobe uusan dhexlin maamul xasilan loogana baahan yahay dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo uu ku dayo dhinacyadda ka aragtida duwan. Sidoo kale, Baaritaan waxay fahansan tahay in uu jiro gadood ay qabaan siyaasiyiin ka qeyb-qaatay gulufka xukunka looga tuuray Laftagareen kuwaasoo qaadacay caleema-saarkii Baydhabo.
Dib-u-heshiinta siyaasadeed ayaa fure u noqon karta arrimaha kale ee kamid ah waajibaadka Aadan Madoobe taasoo haddii uusan ku guuleysan caqabad ku noqon karta xasiloonida nabad-gelyadda oo haatan qaar kamid ah hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadantinimada iyo mashaariicda horumarinta u hakiyeen howlahooda sababo amni darro aawadeed.
Maxaa xiga caleemo-saarka Baydhabo?
Xafladda caleemo-saarka ee ka qabsoontey Baydhabo ayaa sida muuqata waxay timid maalin kahor waqtiga loo asteeyay in ay Muqdisho ka bilowdaan wadahadalada siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka oo ajendaha ugu weyn ee horyaala yahay nooca ay u dhaceyso doorashadda madaxweynaha Soomaaliya ee 2026-ka.
Inkasta oo muddo xileedka sharciga ah ee madaxwayne Xasan Sheekh uu dhamaadey 15-ka May 2026, haddana Villa Soomaaliya ayaa sida muuqata qorshaheeda xiga waa in ay doorashooyin kale ka qabato maamul goboleedyadda Galmudug iyo HirShabelle oo labaduba lasii ogyahay cidda noqoneysa madaxweynaha soo socda.
Dhanka mucaaradka, rajada kaliya ee ay qabaan waa wadahadalada ay garwadeenka ka yihiin diblumaasiyiinta kamid ah saaxiibadda caalamiga ah waxayna ku doodayaan in nooca doorasho qof iyo cod ee uu rabo madaxwayne Xasan Sheekh ay tahay mid natiijadeeda lasii og-yahay ayna doonayaan nidaam doorasho oo daahfuran taasoo daraf uusan ku lahayn saameyn ama gacan-bidixeyn gooni ah.
Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa taagan isgoys taariikhi ah oo hanaanka looga gudbo – wadahadal ama rabshado hubeysan; haddii wadaxaajoodka la aado waa horusocod balse haddii isku-dhaca qoriga la aado waa dib-u-dhac waxayna sii hurin kartaa walbahaarka laga qabo in aduunka uu mar kale arko Soomaaliya oo hogaankeeda ay isku hub-aruursanayaan khilaaf siyaasi ah aawadeed.





